Daawooyinki ay dawlada turkey caawimada u bixisey qaybti puntland oo muqdisho lagu iibsadey,Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxay shaaca ka qaadey sida ay uga xuntahay in daawooyinkii loogu talagalay 3-da sano ee soo socota inay kayd u noqoto in lagu lunsado magaalada Muqdisho,wasaaradda caafimaadka dowaldda Puntland waxay dowladda Turkey ka codsatey in wixii mucaawino ah oo Puntland loogu talagalay in toos loosoo gaarsiiyo si aysan u dhicin lunsashada hada ka dhacday Muqdisho iyo musuqmaasuqa lagula kacay daawooyinkii Soomaaliya guud ahaan loogu talagalay in loo qaybsho.'

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Maxamed XIirsi Ducaale ayaa magaalada Muqdisho u tagay sidii uu qaybtii Puntland ugu soo rarari lahaa nasiibdarose waxaa ku noqotey in daawadooyinkiiba la iska maamushay oo ilaa hada aysan jirin wax u suuro galay iyadoo uu rajo xumo ka muujiyey in daawadii Puntland loogu talagalay la helo