|
|
Wafdi ka socda Dowladda Puntland uuna hoggaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) wasiiro ay ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cali Askar, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Md. Cabdulqadir Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Md.Maxamad Xasan Barre, iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland,ayaa xalay ka soo degay Magaalada London
Wafdiga Puntland ayaa waxaa garoonka Heathrow International Airport kusoo dhaweeeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska (Foreign and Commonwealth Office – FCO) iyadoo Wafdiga loo galbiyey Qeybta VIP-da ee garoonka Heathrow |
|