|
magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa shalay galab si rasmi ah uga furmay Wajigii 2-aad ee shirka wada-tashiga ee looga hadlayo arrimaha Soomaalida, waxaana khudbado ka soo jeediyay mas’uuliyiin kale duwan oo shirkaasi ka soo qaybgalay.
Mas’uuiliyiinta ka hadashay Shirka wada-tashiga ayaa waxaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Faroole, kuwaas oo dhammaantood isku raacay ahmiydda uu shirkana leeyahay iyo ajandaha ugu weyn ee horyaalla uu yahay arrimaha federalka iyo dhamaystirka dastuurka.
Ra’iisul wasaare Cabdiwali oo ka hadlay Shirkaasi ayaa sheegay in Muhiimadda Shirka ay tahay labo qodobb oo ay ka mid yihiin hannaanka Federalism iyo weliba qaabka dhismaha dowladdnimo Buuxda.
Sidoo kale, madaxweyne Faroole oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa tibaaxay in uu galayo dalka Saddex xeer oo kala ah dowladda dhexe , mid goboleedyo iyo weliba dowladd hoose.
Faroole ayaa intaasi raaciyay in muhiimadda Shirka Garowe Laba uu yahay sidoo kale sidii Soomaaliya oo aan tafaraaruq ka dhex jirin ay u tagi lahayd 23- bishan shirka lagu wada ballansan yahay ee London.
Madasha Shirka wada-tashiga ee Garowe Laba waxaa joogay shalay xubno ka socda maamulka Galmudug, ururka Ahlu sunna, Xafiiska arrimaha Qaramada Midoobay siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS, dawladda Jabuuti, wufuud kale caalami ah iyo ururrada bulshada |