|
ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaarida dagaalka aad u badan oo ay soo gaareen degmada Luuq kuwaasi oo sii jeeda degaano ka tirsan gobolka Bay iyo bakool iyadoo ciidamadaasi ay wateen sidoo kale wata Taangiyo badan iyo gawaarida gaashaaman.
Xalay ayay ka soo tallaabeen degmada Luuq ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan watanagaadiid fara badan oo ay ku jiraan kuwa madaafiicda jiida, ciidamada lagu daabulo iyo kuwo gaashaaman
Al-Shabaab waxay sheegeen in gobolka Gedo oo dhan ay iminka ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo dagaal oo ay isaga caabinayaan weerarada ku soo wajahan, iyadoo iminka laga cabsi qabo in saacadaha soo socda degaanadaasi ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya oo horay u sheegay inay caawinayaan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa iminka u muuqda kuwo isku diyaarinaya inay gobolada Bay iyo Bakool ka bixiyaan gacanta Al-Shabaab, mana aha markii ugu horeysay oo Al-Shabaab farahooda si xoog ah uga bixiyaan maamulada ay ka sameeyeen gobolada ay markoodii hore xooga ku qabsadeen
|