|
Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa aqbashay Baaq shalay ay u soo jeediyeen Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo ku aadaana in xukuumadu ay Kalsooni soo weydiisato mudanayaasha Barlamanka.
Kadib markii shalay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka ahna sii haya xilka gudoomiyaha Barlamanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudeey uu ugu baaqay xukuumada Ra’iisul wasaare Sharma’arke in mudo 10 maalin gudahood ah ay ku hortimaado Barlamanka si loola xisaabtamo ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xukuumada KMG Soomaaliya.
Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Qaalid Cumar Cali oo Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Barlamanku uu xaq u leeyahay in uu u yeero Xukuumada si loola xisaabtamo maadaama uu sheegay in Barlamanku shari ilaaliya dowladda uu yahay, waxaana uu intaasi ku daray Wasiirku inay soo gaartay warqada Barlamanka ee ku socota Xukuumada, isagoo sheegay in goordhow ay jawaab ka bixin doonaan.
Sidoo kale wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in xukuumadu ay soo dhaweynayso gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarzan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka.
Hadalka xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalintii shalay gudoonka Barlamanku uu ugu baaqay Xukuumada KMG Soomaaliya inay hortimaado barlamanka KMG Soomaaliya si loola xisaabtamo islamarkaana ay kalsooni u weydiisato Barlamanka.
|