|
Safiirkii Somalia u qaabilsanaa dowladda Kenya Amb Mohamed Abdi Afeey oo dhinaca kalena ahaa ninkii waday shirkii lagu qabtay Mbagathi ee lagu dhisay dowladii Abdullahi Yusuf wuxuu markii ugu horeeysay qiray in Caalamka gaar ahaan Mareykanka qalad weyn ka galeen Somalia .
Dowladii lagu dhisay Jabuuti 2000 xilli uu waqtigeeda dhamaanayay,lana doonayay in la helo dowlad bedesho maadama daruufooyinka jiray ay ugu badnaayeen nabadgelyo daro markaas waxaa shiray IGAD oo Somalia uu metelayay Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan,danta waxay noqotay in la doono dhamaan cid kasta oo qori heysta (Warlords) maxaa yeelay Waxaa la iska dhaadhiciyay in nabada ay ka go,do ninka qoriga heysta,qaladka la galayna wuxuu ahaa in hogaamiye kooxeedyada loo fahmay inay xukun rabaan"ayuu yiri Amb Mohamed Abdi Afeey oo lagu wareeystay Musasalka dhacdo Ugub ah ee Keydmedia todobaadkiiba mar baahiso.
Qalad weyn bey ahayd oo Caalamka Somalia ka galay,Waxaan fikir ahaan qabaa in Caalamka uu ka seexday Somalia,Arrin IGAD u taalay ma ahayn ,arrinta Somalia waxay ahayd in Qaramadda Midoobay sameeyo gurmad deg dega sida loo sameeyay Kosovo" ayuu yiri Safiir Afeey
Gurmad looma sameeyn Somalia waxaana diiday dowladahii horseedka u noqon lahaa sida Mareykanka maxaa yeelay waxay ku fashilmeen hoowlgalkii Unisom,waxay ka baqeen inay mar kale fashilmaan"ayuu yiri Mohamed Abdi Afey.
Hadalka Afeey wuxuu yahay qirasho muhiima oo sawir guud ka bixinee hagar daamada beesha Caalamka ee xal u helida arrinta Somalia
|