|
Dawlada ingriiska oo sheegtey in la kordhinayociidama AMISOM Andrew Mitchell waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in dawladiisu ay aad uga walaacsan tahay xaaladaha Soomaaliya ka jira sida amaanka iyo bini’aadanimada waxaana uu intaa kudaray inay xalka u arkaan in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xogha’yaha hormarinta Ingiriisku waxaa uu waraysigiisa ku sheegay in muddo sanado ah ay Soomaaliya ka jireen dhibaatooyin is biirsaday hase ahaatee waxaa uu xusay in xilligaan ay muuqanayso hormaro laga gaarayo dhibaatada Soomaaliya ka jirta sababo uu ku sheegay in ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray dhul hor leh oo ay horey Shababku uga arrimon jireen.
Sidoo kale xog’hayaha ayaa xusay in xukuumadiisu ay xilligaan ka walaacsan tahay heerka bini’aadanimada ka jirta dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay halis ku jirto nolosha kumanaan ruux oo Soomaali ah.
Mar la waydiiyay doorka ay dawlada Ingiriisku ku leedahay ammaanka Soomaaliya iyo gacanta ay siiyaan ciidamada AMISOM ayuu sheegay inay jiraan taageero ay siiyaan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM hase ahaatee waxaa uu ka gaabsaday inuu faafaahin dheeraad ah ka bixiyo in hay’adahooda sirdoonka sida MI 6 ay Soomaaliya ka wado hawlo dhinaca basaaska ah.
Ingiriiska ayaa hadda wada qorshe ay shir uga furayso wadankeeda kaasi oo ay sheegtay in looga arrinsanayo aayaha Soomaaliya walow uu tuhun badan ku jiro ajandayaasha shirkaasi |