![]() |
![]() | |
|
|
Buuggaasi wuxu daah-furayaa dhacdooyin taariikheed oo magaaladu leedahay , kuwaas oo taabanaya dhinacyada suugaanta laga tiriyey magaalada Badhan, dhismayaashii ugu horreeyey ee magaalada laga hirgeliyo, xilliyadii halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, xilligii Dawladihii rayadka ahaa, dawladii Millateriga ahayd, dadka horyaalada ka ahaa waxyaalo kala duwan, sheeko xariirooyin ka dhacay magaalada Badhan iyo waxyaalo badan oo xiiso leh. Buuggan oo dhowaan soo bixi doona wuxu dhallinyarada iyo daneeyeyaasha gobolka sawir ka siinayaa marxalidihii kala duwanaa ee magaaladu soo martay ilaa iyo sanadihii burburka oo isagu aan taariikh lahayn.wuxuna saxayaa taariikho si qaldan loo qoray. Sidoo kale wuxu dhiirri gelin weyn u yahay aqoonyahanka oo beryahan aan wax qoraallo ah ka samayn taariikhda wadanka , waxana uu xoojin u yahay afka Soomaaliga iyo suugaanta oo uu in badan oo ka mid ah xanbaarsan yahay buuggu . Cid kasta oo buggaas akhridaa waxay is weydiin doontaa , haddii Badhan taariikhdeeda buug intaas le’eg laga qoray , Magaalada Laasqoray oo dhawr qarni jirtey maxaa laga qori karaa?
|