Wefdiga Ra’iisul Wasaare C/weli gaas ayaa si diiran logu soo dhoweeyey garoonka Garoowe madax uu horkacayay madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne kuxigeenka Mudane C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiiro Xildhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro badan, wuxuuna R.wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in imaatinkiisu uu la xiriiro shirka maalinta burrito ah laguw ado inuu ka furmo magaalada Garoowe isaga oo ku tilmaamay shir muhiimad gaar ah xambaarsan maadaama looga arrinsanayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur ay ku dhaqanto maadaama ay la qaatay Nidaamka ku dhisan Federaalka.

“Waxaan halkan u imid sidii aan uga qeybgali lahaa shirka Garowe2 oo daba socda shirkii horay halkan uga dhacay, wuxuuna xambaarsan yahay muhiimad gaar ah maadaama looga hadlayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay inuu filayo in shirkani ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.