Dagaalka culusd oo la isku adeegsaday Hubka culus iyo midka fudud ayaa ka socda Magalada beledweyne  ee gobolka hiiran  kasoo u dhexeya maamulka dooxada shebele iyo alshaab  kaas oo dhaliyay qasaaro nafeed oo soo kala dhexgaray Ciidamada dirirta u dhaxeysay .

Weerarka xoogiisa ayaa wax uu xalay ka dhacay Xaafad suuqa Hurwaa iyadoo weerar gaadmo ah ay ku soo qadeen Kooxda al-shabaab .

Wasiirka Warfaafinta Dooxada Shabelle Max’ed Nuur Caga Joof oo la  ayaa u xaqiijiyay inay weerarka kaga imaday Ururka Al-shabaab, fariisin ay ku lahayeen Ciidanka Dooxada Shabelle ayna iska caabin kala kulmeen .

Caga Joof ayaa dagaalkii xalay waxa uu ka sheegtay Guulo inay ka soo hooyeen Ciidamada Dooxada Shabelle dibna ay u bursadeen,Kooxaha nabad diidka waa sida uu hadalka u dhigay uu ula jeedo Kooxda al-shabaab.