Raisul wasaaraha Somalia Dr. C/weli Gaas uu ku dhowaaqo isku shaandheyn kooban oo uu damacsan yahay inuu ku sameeyo xubnaha golihiisa wasiirada qaarkood isku shaandheyntan a oo kala bedeley ilaa 3 wasiir oo labo ka mid ah la sheegayo in la isku bedelayo,

 kuwaa soo kala ah wasiirada arimaha dibeda Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim iyo wasiirka beeraha C/llaahi Xaaji Xasan, waxaana wasiirka arimaha dibeda loo magacaabi doonaa C/llaahi Xaaji Xasan, halka wasiirka beerahana loo magacaabi doono Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in shaqada laga faraiisin doono wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada KMG Somalia, iyadoo lo magacaabayo xubin cusub, lamina oga sababta keentay in wasiirka xilka loo kala wareeejinaya iyo wasiirka 3aad ee shaqada laga fariisinayo hadiiba uu warkaas dhab noqdo.

Xildhibaan Cali C/llaahi Afgooye oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamanka Somalia ayaa sheegay iney jirto isku shaandheyntan, isagoo hase ahaatee raisul wasaaaraha Somalia uga digay inuu ku dhaqaaqo isku shaandheynta noocan ah gaar ahaan wasiirada la isku bedelayo, wuxuuna xusay in beel ahaan ay hadda ku leeyihiin xukuumada wasiirka arimaha dibeda loona baahan yahay inaan waxba laga bedelin